Sarkaal Ka Tirsanaa Maamulka ‘Somaliland’ Oo Lagu Dilay Hargaysa.

Feb 19, 2025

Wararka ka imaanaya magaalada Hargaysa ee xarunta u ah gobolka waqooyi-galbeed Soomaaliya, ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee maanta la khaarajiyay sarkaal sare oo ka tirsanaa Booliiska ashahaada la dirirka ah ee maamulkaasi.

Sarkaalkan oo darajadiisu ahayd Gaashaanlle ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdi Cali Nuur, wuxuuna maamulka murtad Cirro ugu magacownaa taliyaha saldhigga degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargaysa.

War kasoo baxay taliska maleeshiyada Booliiska maamul goboleedka Riddada Somaliland, ayaa lagu xaqiijiyay dilka sarkaalkaasi, waxayna sheegeen in uu dilkaasi ka dambeeyay askari ka howlgalayay saldhigga uu taliyaha ka ahaa sarkaalka la khaarajiyay.

Ilo wareedyo gudaha ah ayaa sheegay in dilka sarkaalkaasi loo adeegsaday toorrey, waxay maleeshiyada Booliisku sheegeen in ay gacanta ku dhigeen askariga falkaasi ka dambeeyay, lana xisaabtami doonaan.

Qoraalka kasoo baxay taliska maleeshiyaadka Booliiska maamul goboleedka ashahaada la dirirka Somaliland, ayaa lagu muujiyay sida ay uga argagaxeen dilka uu askarigu u gaystay sarkaalka haystay saldhigga Maxamed Mooge ee magaalada Hargaysa.

Maleeshiyaadka maamulka Riddada ah ee Hargaysa fadhigiisu yahay ayaa badanaa sidan oo kale isku beegsada, waxayna maleeshiyadu si isku mid ah u khaarajiyaan saraakiil ciidan iyo askar intuba.