Diyaaradaha Drones-ka ee dowladda Riddada ah ee Mali ka heshay dowladda cilmaaniga Turkiga, ayaa duqaymo wuxuushnimo ah ka gaystay deegaan dhaca xuduudka uu waddankaasi la wadaago dalka Al-jazaa’ir.
Duqaymaha oo dhacay Axaddii ayaa si gaar ah looga soo tabiyay agagaarka tuulada Tinzouatin, oo ku dhow xuduudka ay wadaagaan dalalka Maali iyo Al-jazaa’ir, halkaa oo ah goobta uu dhacay weerarkii sida daran loogu xasuuqay murtazaqada Faagnar iyo murtadiinta Maali.
Warsaxaafadeed kasoo baxay mujaahidiinta Nusratul islam wal-muslimiin oo ay soo saartay mu’assasada Al-zallaqah ayaa lagu sheegay in xasuuqan wuxuushnimo lagu dilay inka badan 21 qof oo ay caruur ku jiraan, halka kuwa kalena lagu dhaawacay.
Mujaahidiinta jamaacada, ayaa ka tacsiyadeeyay xasuuqa ay ku kaceen murtadiinta Maali oo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay ka heshay dowladda Riddada Turkiga, waxayna muslimiinta ugu baaqeen inay si wadajira ugu istaagaan sidii la isga dulqaadi lahaa maamulkan dabadhilifka ah ee usoo hub qaatay laynta dadka rayidka ah.
Ciidanka dowladda Riddada ah ee Mali, ayaa ku faanay xasuuqa uu u gaystay dadka rayidka ah, isagoo sheegay inay dileen 20 qof oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa argagaxiso ah, balse warbaahinta maxalliga ah ayaa heshay xasuuqyadan, kuwaas oo soo bandhigay sawirrada dadka abriyada ah ee la laayay una badan caruurta.
Waa ka mid ah xasuuqyada bahalnimo ee ay ku kacaan ciidamada Riddada ee Mali, kuwaas oo looga bartay markii furimaha dagaalka lagu jabiyo inay caradooda kala dul dhacaan dadka rayidka ah ee aan hubeysnayn.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Dadka Shacabka Ah Ee la Laayay.
XIGASHO: SHABAKADA CALAMAD