Kumanaan Shacab Turki ah ayaa ku dhawaaqay in ay sameynayaan dibad bax ballaaran oo ka dhan ah joogitaanka ciidanka dowladda Mareykanka ee dalkooda, hadaba muxuu yahay socodka ay dadku ku tagayaan saldhigga Injarliik ee ay NATO ku leedahay gudaha dalka Turkiga.
Iyadoo wali uu daakhilka wadankan ka taagnyahay arimo la xiriira xiisada ka dhalatay weerarkii ay dhalinyarada Turkidaha ah ku qaadeen, qaar kamid ah askartii Mareykanka ee ku sugneed gobolka Izmir, ayaa hada lagu soo waramayaa in caradu ay sidii hore kasii balaaratay, shacabkuna uu go’aansaday in gabi ahaanba wadanka laga saaro askarta xukuumada Washington.
Waxaa kacdoonkan xoogan hor boodaya mid kamid ah ururada bulshada ee ka dhisan gudaha dalka Turkiga, waxa uuna shacabka si aad ah ugu dhiiragalinayaa sidii wadanka looga saari lahaa ciidamada Mareykanka loogana maja xaabin lahaa dhamaan masaalixdiisa taala hadalkan.
Ururukan ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay kan ugu balaaran ee ay leeyihiin shacabka Turkida, waxa uuna sameeyey halku dhigyo ay dadku ku duulayaan oo uu ka mid yahay, “ Qabso Injarliik Mareykankana ka saar” waxaana lagu wadaa in saacada soo aadan ay Turkiga ka dhici karaan talaabooyin aanan farxad galin xukuumada uu hogaamiyo Joe Biden.
Saldhiga ciidamada cirka Mareykanka ee Injarliik ayaa ku hoos jira heshiiskii difaaca iyo iskaashiga dhaqaalaha ee ay kala saxeexdeen Turkiga iyo Maraykanka 29-kii Maarso 1980-dii, wuxuuna Washington ku tilmaantaa inuu yahay mid ay ka ilaaliso masaalixdeeda iyo tan Turkiga.
Sidoo kale waxaa xusid mudan in gudaha Turkiga ay sidoo kale ka bilowdeen kacdoono looga soo horjeedo isbaheysiga NATO, oo ay xubin buuxa ka tahay xukuumada ridada ah ee uu hoaamiyo Ordugan, waxaana kacdoonkaas ciwaan looga dhigay ‘’la dagaalanka NATO iyo Imperialist-ga”.
Naceybka ay shacabka Turkida u qabaan askarta Mareykanka ayaa sii siyaaday kadib markii ay xukuumada ridada ah ee Ankara ay bilowday in shacabka ay u garba duubto cadawgooda oo markiiba hore dalkooda ugu sugnaa qaab aysan ku qanacsaneyn, sidiiba isbuucan horaantiisa ka dhacday gobolka Izmir.
Waxay gunaanudkii lagu soo waramayaa in dibadbaxyadan ay sii lixaad san doonaan maalmahan soo aadan, dadkuna ay xoojin doonaan socdaalkooda ay ku balanqaadeen iney ku tagayaan saldhiga Injarliik, iyagoo ka shidaal qaadanaya sida Mareykanka uu u garab siinayo maamulka isugu yeera Isreal iyo sida uu faragalinta xoogan ugu hayo gudaha dalkooda.
FAAFREEB PRO