Murtad Shariif Sheekh Axmad oo soo noqday madaxwaynahii hore ee Kooxda Ridada Soomaaliya ayaa ka dayriyay xaalada ay ku suganyihiin maleeshiyaatka murtadiinta.
Wuxuu tilmaamay in aysan jirin hal guuto oo dagaallaami karta, kooxda Gurguurte ayuuna ku edeeyay in ay si qaldan umaamulayaan maleeshiyaatkooda.
“Maanta ciidanka milliteriga hal guuto oo dagaallami karto ma jirto,sida ciidanka Milliteriga loo maamulaa qaldan, waana sheegeyna” ayuu yiri murtad Shariif.
Hadalka murtadkaan ayaa imaanaya iyadoo dagaallo lagu dhiig bixiyay cadawga ay labadii sano ee lasoo dhaafay mujaahidiintu ka fuliyeen bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, sidookalana la jabiyay xamladii ay kusoo qaadeen deegaanada lagu maamulo shareecada islaamka ee wilaayaatka islaamiga ah.
Hoos ka daawo hadalkiisa.