Sida uu ku waramayo joornaalka Newyork Times maraakiibta dagaalka ee Shiinaha ayaa si aan horey loo arag dhoolatus milateriga ku sameeyay badda Tasman ee u dhaxeysa dalalka xulafada la ah reer galbeedka ee Australia iyo New Zealand.
Xogta joornaalka ayaa intaasi ku dareysa in diyaarado badan oo adeegsan jiray hawada sare ee badda Tasman lagu qasbay iney ka weecdaan halkaas, maadaama Shiinuhu aagaas oo idil uu ka waday dhoolatus xoogan oo aysan horay kaamirooyinku usoo qaban.
Maraakiibta Shiinaha waxay fureen rasaas waxayna celiyeen diyaaradda Imaaraadka Carabta ee Fly Emirates, halka diyaaradaha kale sida Qantas iyo Air New Zealand si la mid ah looga celiyay hawadaa xilli ay ku jireen duulimaadyadooda maalin laha ah.
Wasiirka Difaaca ee New Zealand, Judith Collins ayaa sheegtay in wax ogeysiis ah aysan ka helin dhanka Shiinaha kaliyana ay kusoo baraarugeen xaaladan waxayna tiri “ Nalooma soo sheegin wax ku saabsan dhoolatuskan iyo ujeeddada laga leeyahay.”
Si kastaba ha ahaateen ilaa hadda waa mid la garan la’ayahay hadafka uu ay xukuumada Beijing ka leedahay midan, dalalka Australia iyo New Zealand ayaan walaac ka muujiyey midan.
FAAFREEB PRO