Shiinaha oo Doonaya in Iran uu ka Caawiyo Barnaamijka Gantaalaha Ballistic-ga.

Jan 26, 2025

Sida uu daabacay joornaalka Wall Street Journal xukuumada Beijing ayaa dooneysa in Tehran ay u fididso taageero dhanka gantaallada ballistic-ga ah, iyadoo sida lagu waramaya siin doonta kiimikooyinka muhiimka ah ee loo isticmaalo soo saarista shidaalka gantaalladan.

Wargeyska oo soo xiganaya ilo xog ogaal ah ayaa sheegay, in laba markab oo laga leeyahay dalka Iran ay dhawaan ku soo xidheen dalka Shiinaha, waxayna sidaan ilaa 1,000 tan oo maadada Sodium perchlorate ah taasoo ah cunsurka ugu muhiimsan ee loo isticmaalo soo saarista shidaalka adag ee gantaalada ballistic-ga.

Dhanka kale Sarkaal reer galbeedka ah oo ay majaladu soo xiganeyso ayaa tibaaxaya in tiradan 1,000 tan ah ay ku filnaan karto soo saarista ilaa 260 gantaal oo riddada dhexe ah, taasoo ka dhigan in hadii cilaaqaadka dhinacyada hadii uu sii wanaagsanaado ay tiradu sii badan karto.

Waxaa la dhihi karaa talaabadan waa mid kusoo aaday xilli Tehran ay doonayso inay sare u qaado awoodeeda gantaalada kadib markii barnaamijkeeda uu bilihii lasoo dhaafay duqeymo kala kulmay maamulka yuhuuda , taasoo sida lagu waramayo keentay inuu hoos u dhaco kaydkii gantaalada.

FAAFREEB PRO