Shiinaha ayaa garab taagan maleeshiyaatka Xuuthiyiinta Yeman tan iyo bilowgii weerarada badda cas.
Sida uu daabacay joornaalka Pravda ee kasoo baxa dalka Ruushka, Shiinaha ayaa lagu warramaya inuu Xuuthiyiinta u arko koox istiraatiji ah oo door ku yeelan karta habka lagu dhimayo saameynta dunidda ee reer galbeedka, sidaa darteedna uu u garab istaagayey tan iyo bilowgii howgalada badda cas ee Xuuthiyiintu fulinayeen.
Warbixinta wargeyska ayaa sidoo kale sheegaya in hay’adaha sirdoonka Mareykanka ay soo bandhigeen cadeymo muujnaya in Shiinaha waqti hore uu billaabay inuu si qarsoodi ah ula shaqeeyo Xuutiyiinta Yemen, isagoo markaa ku wareejinaya hub ay ku jiraan gantaallada lidka maraakiibta, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo tignoolajiyad kale.
Shiinaha ayaa garab istaagan uu u muujiyey maleeshiyaatka fadhigoodu yahay Yeman waxa u uku badashay inuu helo marin amaan ah oo ay maraan maraakiibtiisa ganacsi, si ay uga badbaadaan weerarada lagu beegsanayo maraakiibta reer galbeedka iyo kuwa yuhuuda ee isaga kala gooshaya halkaas.
Midan ayey gaba gabadii lagu tilmaamay faa’ido wadaag rasmi ah, maadaama Shiinuhu uu badbaado u helayo marakiibtiisa Xuuthiyiintana ay helayaan hub iyo qalab casri ah oo ay kusii wadi karaan weeraradooda dhanka badda ah.
FAAFREEB PRO