Shiinaha oo Qaaday Talaabo Argoosi Dhaqaale oo ka Dhan ah Mareykanka.

Feb 5, 2025

Shiinaha ayaa qaaday talaabo ka dhan ah badeecadaha Mareykanka kadib markii Donald Trump uu xukuumada Beijing badeecadehaada kusoo rogay canshuur gaareysa ilaa boqolkiiba 10% oo alaabaha kala duwan ah.

Sida uu baahiyey joornaalka Business Day dowladda Shiinaha ayaa saacadihii lasoo dhaafay qaaday tallaabo argoosi oo ka dhan ah Mareykanka kaddib markii wasaaradda maaliyadda Shiinaha ay canshuur ku soo rogtay badeecadaha uga yimaada dhanka Mareykanka taasoo gaareysa ilaa 15%.

Xukuumada Beijing ayaa canshuur saartay dhuxusha iyo gaaska dabiiciga ah ee Washington soo dagsato, sidoo kale waxaa boqolkiiba 10 lagu soo rogay shidaalka cayriin, mishiinnada beeraha, baabuurta xamuulka fudud iyo gawaarida waaweyn xitaa gawaarida isboortiga oo si aad ah looga dhax adeegsado Mareykanka.

Waxaa hadda sidaan markale ku bilowday loolanka dhaqaale ee u dhexeeya Donald Trump Xi Jinpinga, waxayna durbadiiba dhinacyadu isku soo rogeen sida muuqata cabshuuro xad dhaaf ah, waana bar bilowga hardano dhaqaale oo soo socda Afrta sano ee uu kursigu qorsheynayo inuu ku fadhiyo Donald Trump.

FAAFREEB PRO