Sida inta badan saacadihii lasoo dhaafay ay daabacayaan jaraa’iyada caalamka sida Newsweek, waxaa lagu waramayaa in dhul weynaha Shiinaha uu markale ka dilaacay xanuun magaciisa lagu sheegay HMPV kaasoo waxyeeleya hab dhiska neef-mareenka.
Waxay warbixinada caafimaad tibaaxayaan inuu caabuqan leeyahay astaamo lamid ah kuwa hargabka, una faafo si lamid ah xanuunkii laayaanka ahaa ee Covid19, bulshada caalamka ayaana hadda si aad ah indhaha ugu haya xaalada caafimaad ee Shiinaha, iyadoo ay ka baqayaan in Shiinaha markale uu dunida ku faafiyo xanuun lamid ah midkii Covid19 oo kasoo askumay halkaas.
Boqolkiiba 17.7% dadkii laga helay xanuunkan ayaa lagu waramayaa in xaaladoodu ay liidato hada misana la dhigay goobaha caafimaad, halka isbitaalada ay buux dhaafiyeen tobaneeyo kale oo sugaya baaritaano, hadii laga helana ay gali doonaan xaalad karantiil ah.
Xanuunka HMPV ayaa laga soo gaabiyey Human metapneumovirus waxa uuna ku guruub yahahay fayraska syncytial breath oo isagana sida hergabka oo kale ah, waxaana markii ugu horeysay ee uu soo ifbaxay lagu sheegay sanadkii 2001-dii, isagoona hadda markale soo laba kacleeyey, dadka gabowga ah iyo shaqsiyaadka jirkooda daciif yahayna waa kuwa u nugul caabuqan sida warbixintu ay tibaaxeyso.
Hadaba marka laga soo tago Fayruska cusub iyo faafitaanka xowliga ah ee uu ku socda, waxaa ilaa hadda la is weydinayaa maxay tahay sababta marwalba uu Donald Trump Shiinaha ugu hanjabo weerar dhaqaale loo arkaa fayrus hor leh? Sida midkii dilaacay 2019 ee Covid19 xilligaas oo uu aqalka cad joogay Donald Trump, ma qorshe Shiinaha uu doonayo inuu ku hoobiyo oo uu dhulka ku geeyo dhaqaalaha caalamkaa mise waa wax iska yimid, iyadana waa su’aasha miisaka saran ee aan loo heyn waxa jawaabta ah.
FAAFREEB PRO