Shiinaha ayaa qaaday olole balaaran oo uu taageero ugu raadinayo mashruuciisa dib u hanashadashada jaziirada gooni u goosadka ah ee Taiwan.
Sida uu daabacay joornaalka The Economist ee ka soo baxda Ingiriiska, xukuumada Beijing ayaa wada qorshe balaaran oo ay wadamada caalamka uga dalbaneyso iney ku garab istaagaan dameceeda ah iney markale dhulka Shiinaha kusoo darto Taiwan oo Tobanaan sano ka hor ka hoos baxday nidaamka Shiinaha hadana garab buuxa ka heleysa dowladdo uu horboodayo Mareykanka.
Waxaa lagu waramayaa in ilaa iyo hadda 89 dal ay taageereen damaca Shiinaha ee dib u hanashada dhulka Taiwan, labana shaacin wadamadan magacyadooda iyo halka ay dhacaan sababo jira awadood.
Dhanka kale ololahan ay xukuumada Beijing waddo ayaa la sheegay inuu yahay mid diblumaasiyadeed, halka dhinaca kale Maraykanka iyo xulafadiisa ay halgan ugu jiraan sidii ay taageero ugu noqon lahaayeen Taiwan iyagoo ku xanuujinaya dowladda Shiinaha.
FAAFREEB PRO