Waxaa la xaqiijiyay in labo ruux ay ku dhinteen halka mid kalena uu ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay buundada Siyapei Bridge oo masaafo dhan 9 kiilomitir dhanka bari uga beegan saldhigga booliiska ee Narok ee dalka Kenya.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in shilka uu u dhexeeyay mooto iyo baabuur xamuul.
Waxay labaduba ka yimaadeen ismaamulka Narok iyagoo ku wajahnaa Mai Mahiu balse shilka ayaa dhacay xilli uu darawalka baabuurka isku dayay inuu ka hormaro mootada.
Waxaa isla goobta ku dhintay wadihii mootada oo 25 sano jir ahaa laguna magacaabo Leonard Ntoika Sanoe iyo rakaab 60 sano jir ah oo uu siday Parsariro Sanoe.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu dhaawacmay qof kale oo rakaab ahaa oo 40 sano jir ah laguna magacaabo Muyani Ntaiya oo la geeyay isbitaalka wayn ee Narok.
Ismaamulkan ayey tira beel ku noqdeen shilalka gawaarida, waxaana bil walba laga soo tabiyaa dhowr shil oo geesta khasaara lixaad leh oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur gawaari.