Shil Diyaaradeed oo Xoogan oo Dhacay Gudaha Dalka Mareykanka.

Feb 18, 2025

Mareykanka oo ay waayahan dambe xarga goosad ku noqdeen burburka diyaaradaha iyo diyaarad rakaab oo qaali ah oo soo dhacday saacadihii lasoo dhaafay.

Sida ay baahiyeen joornaalo badan oo Ameerikaan ah sida Newyork Post oo kale waxaa saacadihii lasoo dhaafay dhulka soo dhacday diyaarad ay leedahay shirkadda Mareykanka ah ee Delta Airlines, tasoo ka duushay garoonka Minneapolis-Saint Paul kuna sii jeeday dhanka gigida Pearson ee magaalada Toronto ee dalka Canada.

Dhacdadaan ay sababsatay diyaarada ayaa timi xilli ay iskudayaysay inay ka degto, ilaa hadana lama shaacin wax dhimasho ah oo halkaas ka dhashay walow ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen ilaa 18 ruux oo saarnaa diyaaradan, sawirro ay jariiradu soo badnhigtay ayaana muujinayey diyaaradaha oo aanan sameyn wax qarax ah balse gabi ahaanteed is rogtay.

Waxaa xusid mudan in tan iyo dabayaaqadii sanadkii tagay 2024 wadanka Mareykanka uu martigalinayo shilal isdaba joog ah, waxaana mudadan kooban naftooda ku waayey dadyow fara badan oo kasoo kala jeeda daafaha caalamka, xukuumada Washington iyo shirkadaha duulimaadyada ee Ameerikaanka ah ayaana intooda badan sameeya iney ka gaabsadaan bixinta faahfaahino dheeri ah oo ku saabsan shilalakan soo noqo noqday.