Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari,ayaa ku waramaya in shil khasaare geestay uu ka dhacay duleedka magaaladaasi.
Shilka ayaa waxaa galay qooys Soomaaliyeed oo ka koobnaa ilaa sideed ruux, wuxuuna si gaar ah uga dhacay deegaanka Karin.
Waxaa shilkaas ku dhintay hal ruux oo dumar ah iyadoo ay ku dhaawacmeen ilaa sadax caruur ah oo kale.
Qooyska shilka galay ayaa waxa uu ka yimid dalka Ingiriiska, maanta ayeeyna kasoo amba baxeen deegaanka Xiddo iyagoo doonayay in ay dib ugu laabtaan Ingiriiska.
Shilkaan ayaa imaanaya iyada oo tirakoob kasoo baxay maamulka Siciid Dani lagu sheegay in lixdii bil ee lasoo dhaafya ay deegaanada maamulka Puntland ka dhaceen ilaa sideed boqol oo shil.
Shilaalkaasi waxaa ku dhintay 45 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 188 qof, oo ay ku jiraan 109 dhaawacyo culus ah, islamarkaana ay ku baaba’een ilaa 27 Gaari.