Shil Saraakiil Ku Dhaawacmeen Oo Ka Dhacay Soomaali-galbeed.

Sep 29, 2024

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Riddada Soomaali-galbeed ayaa ku dhaawacmay shil gaari oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Nogob ee dhulkaasi gumeysiga xabashida ku hoos jira.

Shilkan gaari ayaa yimid kaddib markii ay isku dhaceen gaari nooca Haartoopka ah oo uu watay guddoomiyaha maamulka murtad Mustafe Cagjar ugu magacaaban degmada Dhuxun iyo baabuur nooca caafimaadka ee Ambalaasta ah.

Ilo wareedyo dhanka deegaanka ah ayaa soo wariyay in shilkaasi uu si gaar ah uga dhacay buurta yuuca oo u dhaxaysa magaalada Garasley iyo Kaam daawadiid, 2-da gaari ayaana isku dhacay.

Guddoomiyaha maamulkan ashahaada la dirirka ugu magacaaban degmada Dhuxun iyo masuulka dhanka amniga ugu magacaaban degmadaasi iyo saddex xubnood oo kale ayaa lasoo wariyay inay shilkaasi ku dhaawacmeen.

Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay burbur soo gaaray labada gaari ee isku dhacay, waxaana goobta laga dhaawacyada masuuliyiinta maamulka Mustafe Cagjar ee shilkaasi ku dhaawacmay.