War ramis ah oo kasoo baxay dowladda saliibiyadad Kenya ayaa lagu sheegay in lajoojiyay dhammaan duulimaadyadii ay shirkadda diyaaradaha Kenya ku imaan jirtay dalka Soomaaliya.
Madaxa Hay’adda diyaaradah rayidka ee Kenya ayaa warsaxaafadeed uu ogeysiiyay wasaaradda arrimaha dibadda,wasaaradda gaadiidka iyo safiirka Kenya ee Soomaaliya wuxuu ku sheegay in gebi ahaanba ay xukuumadda Nairobi laashay duulimaadyadii ay diyaaradaheedu ku tegi jireen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Kenya waxay sheegtay in ay ku han weyneed baahinta shabahadaheeda duulimaadyada soomaaliya balse ay taas suurtagal noqon waysay sababa laxiriira caqabadaha ganacsi ee soo wajahay.
Xukuumadda saliibiyadda kenya ayaa sababta ay ujoojisay duulimaadyadeeda soomaaliya ku sheegtay caqabado shaqo iyo danta diyaaradaha Kenya, inkastoo ay shirkadda duulimaadyada Kenya ee ay dowladdu gacanta ku hayso ay joojinayso safaradeeda soomaaliya laga billaabo 14 October 2024 hadane tobanaan kamid ah diyaaradaha Kenya ee sida gaarka ah loo leeyahay ayaa maalin walba maandooriyaha khaatka kasoo dejiya intabadan magaalooyinka soomaaliya.
Maandooriyaha khaatka Kenya oo murtad Xasan Gurguurte uu taageero weyn siiyay ayaa il dhaqaale u ah beerralayda Kenya halka uu halis caafimaad iyo burbur dhaqaale ku yahay shacabka Soomaaliyeed.