Shirkii Ururka Jaamacada Carabta ay ka Yeelanayeen Arrimaha Qaza oo Baaqday.

Feb 19, 2025

Joornaalka Khaleej Times ayaa daabacay warbixin uu ku sheegay hakad ku yimid shir degdeg ah oo ay ururka Jaamacadda Carabtu qorsheynayeen in ay kaga wadahadasho arimaha Qaza, kaasoo markii hore la filayay inuu dhaco toddobaadka soo socda.

Sida lagu shaaciyey xogta jariirada shirkan ayaa dib loo dhigay in muddo ah, iyadoona markan la qorsheeyey inuu qabsoomo 4-ta bisha Maarso ee sanadkan 2025, waana sida ay sheegtay dowladda Masar.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qaahira ayaa sheegtay in taariikhdan cusub lagu heshiiyay kadib wadatashiyo lala yeeshay xubnaha ugu muhiimsan ee ururka Jaamacadda Carabta.

Dhanka kale Khamiista bari ah waxaa dalka Sacuudiga uu martigelin doonta shir ay ka qeyb galayaan madaxda Masar, Urdun, Qatar iyo Imaaraadka Carabta, kaas o aanan si dhameystiran daaha looga rogin xogaha ugu badan ee la doonayo in lagu dhiraan-dhiriyo.

FAAFREEB PRO