“Dagaalka Suudaan waa in laga saaraa xaaladan is ilowsiinta ah” waa ciwaanka warbixin uu daabacay wargeyska Faransiiska ah ee Le Monde, waxaa diirada lagu saaraya nolosha dhabta ah ee Sudan iyo sida ay dunida u ihmaalisay xaalada cakiran ee bulshada wadankaas ku dhaqan.
Saxiifadu waxay sheegeysaa in dagaalada Suudaan ay ku nafwaayeen ilaa 150,000 oo ruux oo isugu jira bulshada qeybeheeda kala duwan, ayna barakeceen malaayiin ruux oo hada xaalad nolol xumo ah ku wajahaya dalalka dariska ah iyo xuduudaha, sidaas oo ay tahay dunidu weli wey iska indha tireysa waxa socda, ayey leedahay Le Monde.
Majiraan wax dibaxbaxyo ah oo loogu hiilinayo shacabka reer Suudaan, hay’adaha caalamiga ahna badanaa wey ka aamusaneen waxa socda, dhiigbaxa ka socda gudaha wadankaan ayaana ah midka ugu khasaaraha badan dhamaan dagaalada hada ka holcaya dunida, ayey markale leedahay warbixinta uu daabacay wargeyska faransiiska ah.
Nolosha reer Suudaan ayaa ku hoos burburtay hardanka ka dhax oloolsan janaraalada Cabdi Fataax Al-Burhaan iyo Maxamed Xamdaan Dagalo, warbixintan waxay sidaan uga mid noqoneysaa kuwa si joogta ah usoo baxa oo muujiya sida shucuubta caalamka ay u yareysanayaan waxa ka socda wadankan dhaca waqooyi bari ee qaaradan Afrika.
FAAFREEB PRO