Warbixin ay daabeceen qaar badan oo kamid ah majaldaha ugu waaweyn caalamka ayaa ka hadleysa sida mid fog ay u tahay in heshiis xabbad joojineed laga gaaro marinka Qaza, markii la fiiro hab dhaqanka uu lasoo banbaxay hogaamiyaha maamulka Benjamin Netanyahu.
Sida lagu xusuay warbixintan, go’aankii ugu dambeeyey ee ahaa in ra’iisul wasaaraha yuhuuda uusan ciidamadiisa kala bixi doonin halka loo yaqaano Philadelphia, waxay ahayd qorshe uu ka damacsanaa inuu muran ku galiyo hesiiska xabad joojineed si ay dhinacyadu isku khilaafaan laguna kala tago wadahadalada la doonayo in xabad joojinta lagu dhaliyo.
Sida uu daabacay wargeyska Financial Times oo soo xiganaya qaar kamid ah saraakiisha aminiga yuhuuda oo aanan magacyadooda la xusin sababo jira awgood, waxa uu sheegay in Natayaahu uu qaadayo talaabo waliba oo kala firdhin karta heshiisyada la doonayo in lasoo dabaaliyo, isagoona sameynaya waxyaabo madaxa isku galin kara dhinacyada garbinaya xabad joojinta.
Dhanka kale wargeyska Washington Post oo soo xiganaya wasiir ku xigeenkii hore ee difaaca yuhuuda ninka lagu magacaabo Efraim Sneh, ayaa sheegay in Natayaahu uusan daneyneyn in maxaabiista ku jirta gacanta koooxaha muqaawamada Filistiin uu dib ugu celiyo guryohooda, taasi badalkeedna uu qaadayo talaabooyin sabab kara in dhagta dhiiga loo wada daro, sida uu caalamku arkay isbuucii lasoo dhaafay.
Sidoo kale waxaa warbixin arinka la xiriira daabacday majalda The Hill, waxay soo xiganeysaa Josh Rubner oo ah falanqeeye siyaasadeed misana ka faalooda inta badan xiisada dhulka loo bixiyey bariga dhexe, waxaa uu tibaaxay in musiibada iyo is marin waaga xaga xabad joojintuba uu ka taaganyahay dhanka Natayaahu iyo maamulkiisa, ayna ku adkeysanayaan sii wadidia leynta shacabka Filistiin waliba si kadaran kuwii dhacayey tobanaankii sano ee lasoo dhaafay, waa sida uu hadalka u dhigee.
Ugu dambeyn majaldaha qodobkan wax ka qoray waxaa kamid ah The Gurdian, waxay iyadun daabacday maqaal ay ku sheegeyso in xalka kaliya ee lagu qaboojin karo dagaalka ay tahay in xilka lag xayuubiyo afraada wada Diktaatoornimada oo uu ugu horeeyo natayaahu iyo Itmar Binu Kafiir.
Warbixinta waxay dabcan kusoo beegantay xilli carada shacabka yuhuuda ay cirka isku sii shareertay, Natayaahuna lagu amrayo in dagaalku uu soo gaba gabeeyo ama xilka uu isaa dago, halka dhanka kale ay midi qoorta ka saarantahay tobaneeyo maxaabiis ah oo gacanta ugu jirta kooxaha muqaawamada Filistiin.