Sidee Ayey Warbaahinta Caalamka Usoo Dhaweysay Heshiiska Qaza?.

Jan 19, 2025

Sidee ayey warbaahinta caalamka hadii ay noqdaan wargeyso iyo wakaalado intuba usoo dhaweeyeen hashiiskii xabad joojineed ee ka dhacay gudaha marinka Qaza.

Hadii aan ku hormarno dhanka wakaaladda Reuters waxay soo warisay in heshiiska lagu gaaray Doxa uu yahay guul weyn oo ay reer Falastiin heleen kadib mudo dheer oo ay ku jireen xaalado halis ah dhanka kalana liita.

Waxay wakaalada tilmaameysaa in sii deynta maxaabiista reer Falastiin oo gaaraya boqolaal ay sidoo kale tahay mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee ay muqaawamada ku kasbatay taageerada bulshada Falastiin.

Dhanka kale Reuters waxay xustay in yuhuuda ay qasab ku noqotay inay aqbalaan qodobada lagu xusay heshiiska, taas oo muujineysa awoodda iyo adkeysiga Falastiiniyiinta iyo sida cadawgooda ay ugu sandulyeeyeen wixii dan ugu jirta ka muslimiin ahaan.

Dhanka wakaalada wararka ee AFP waxay heshiiska ku tilmaantay fursad tariiqi ah oo dadka rer falastiin ay u heleen in loo fididyo gargaar biniaadanimo iyadoo wakaalada si gaar ah u muujisay guulaha Falastiiniyiinta ee dhinacyada kala duwan leh.

Aan markan milicsano dhinaca wargeyska The New York Times waxa uu isagana xusay in heshiiskan uu yahay guul ay gaareen muslimiinta reer Filistiin si gaar ahaaneed kooxaha muqaawamada Filistiin oo ka guuleystay cadawgoodii yuhuuda, iygoona ku qasbay iney aqbalaan heshiis xabad joojineed si la iksu dhaafsado maxaabiista.

The New York Times waxay sidoo kale sheegtay in heshiiska uu mar kale muujiyey in dadka Falastiin ay wali halgan adag ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen xaqa ay u leeyihiin dhulkooda uguna naaloolahaayeen nabad iyo cizi.

Isla arimaha la xiriira si warbaahinta caalmka qeybeheeda kala duwan ay usoo dhaweeyeen heshiiskii xabad joojineed ee Qaza ayeynu ku guda jirnaatee, aan markan soo qabto wargeyska The Guardian waxa uu ku tilmaantay sii deynta maxaabiista mid astaan u ah guusha reer Falastiin taasoo ka dhalatay cadaadiska siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo la saaray yuhuuda.

Waxay sidoo kale saxiifadu ay sheegeysaa in heshiiskan uu markhaati u yahay awoodda reer Falastiin inay codkooda gaarsiiyaan meelo fog fog, taasoo sababtay in muslimiinta caalamka ee ay madaxa uga taaganyihiin xukaamta dhawaaqiida ay codkooda ku difaacaan walaalowhooda reer Filistiin.

Dhanka shabakada wararka ee Al Jazeera ayaa warbxiin ay qortay diirada ku saartay rajada reer Falastiin ee ku saabsan heshiiskan, waxay sheegtay in dad badan oo reer Qaza ah ay heshiiskan u arkeen mid guul u ah shacabkooda, gaar ahaan marka loo eego sida ay yuhuuda ugu khasabeen in ay aqbalaan xabad joojinta.

Ugu dambeeyn sida muuqata warbaahinta caalamka ayaa isku raacsan in heshiiska ka dhacay magaalada Doxa uu yahay guul aanan la dhayelsan karin oo taariikhi ah una soo hoyatay shacabka reer Qaza ee ku suntay sabarka iyo sugnaanta, dunidana tusay in ninka dhoofka ku yimid ay geeridi dhibeyso.

FAAFREEB PRO