Sidee ayuu Mugdi u Galin Doonaa Mustaqbalka Yurub Beegsiga Sahaayinada?.

Nov 13, 2024

Warbixin uu qalinka u qaatay suxufiga Guillaume Duval ee wax ku qora joornaalka Faransiiska ah ee L’Obs ayuu kaga hadlayaa sida dhacdooyinka mudooyinkan dambe ka dhacay dunida daafeheeda ee lagu beegsanayo yuhuuda ay u furi doonaan albaabo kale oo mugdi galin doona mustaqbalka reer yurub.

Waxa uu ninkan ugu horeyntii sheegayaa in beegsiga sahaayinada ku nool wadamada reer yurub uu dhalin doono mowjado colaadeed oo hor leh, dalalka qaaradan oo idilna ay wajihi doonaan xaalad burbur iyo argagax ah.

Wariyahan ka howgalada joornaalkan Faransiiska ah waxa uu tusaale usoo qaadanayaa dhacdooyinkii xooganaa ee Jimcihii lasoo dhaafay laga soo diiwaangaliyey gudaha caasimada Amsterdam ee dalka Holand, waxa uuna sheegay in midan ay muujineyso suuragalnimada iney abuurmaan waxa uu ugu yeeray argigixiso qal qal galin karta nolosha yurub.

Xogta joornaalka waxay intaasi ku dareysaa, in qaarada yurub ay weyn doonto dhamaan badeecadaha isugu jira gaaska iyo saliida ee laga soo saaro gobolka ay hada colaaduhu ka holcayaan ee Bariga dhexe iyo kuwa kale ee ka yimaada dhanka Aasiya misana soo mara kanaalka Suweys.

Gaba gabadii warbixinta ayaa hogaamiyaasha yurub ku tilmaantay kuwa awood ahaan dabacsan misana aanan hada muujineyn wax feejignaan ah, xilli filashada halistana gu gadaamana ay sii ziyaadeyso marba marka kasii dambeysa.

FAAFREEB PRO