Sidee Ayuu Noqon Doonaa Dhaqaalaha Dunida Hadii Trump uu Canshuurta ku Ziyaadiyo China?.

Nov 12, 2024

Warbixino soo baxay saacadihii lasoo dhaafay ayaa si aad ah diirada u saaraya qodobka ah hadii Donald Trump uu ka dhabeeyo hanjabaadiisii ahayd in canshuurta uu ku ziyaadin doono Shiinaha sidee ayuu noqon doonaa dhaqaalah dalka Australia iyo guud ahaanba dunida.

Safiirkii hore ee Australia u fashiyey Mareykanka ayaa sheegtay in hadii Trump uu boqolkiiba 60% ku ziyaadiyo canshuurta Shiinaha ay dhici doonto dhaqaala burbur xoogan, gaar ahaa dalkooduna uu wajihi doono caqabado waaweyn oo dhanka daqliga ah.

“Hanjabaadaha Donald Trump ee ku aadan inuu canshuurta ku kordhin doono Shiinaha gaar ahaan badecooyinkaasa soo daga, waxay saameyn xoogan ku yeelan doontaa dhaqaaleheena” waxaa sidaas yiri safiirkan hore ee u dhashay dalka Australia.

Waxaa hada si aad ah loo aaminsanyahay in hadii talaabadan uu hirgali ninkan hada ku guuleystay xillka madaxtinimo ee Mareykanka, in caalamku uu wajihi doono xaalad dhaqaale xumi oo aad u daran, maadama Shiinaha maanta loo arko inuu yahay halbowlaha dhaqaalah galbeedka iyo inta soo hartayba, hadii isaga uu la kulmo canshuur xad dhaaf ahna uu kaliya qiimaha ku ziyaadin doono badeecadaha si meesha uu uga soo saaro lacagta canshuurta ah ee laga qaaday.

Sida uu horay uga dhawaajiyey Donald Trump, hadii mar uu xafiiska yimaado 20 bisha oo Koowaad ee sandka 2025 howlaha ugu horeeya ee uu qabanayo ayuuna ku daray qodobkan aan hada kasoo warbixinay, wuxuuna u muuqdaa mid doonaya in halkiisa uu kasii wado xurguftii horay kala dhexeysay xukuumada Beijing.

FAAFREEB PRO