Wargeyska New York Times ayaa nashriyey maqaal uu ciwaan uga dhigay ” Tani waa sida Shiinuhu u maamulay warshadaha naadirka ah ee soo saara inta badan macdanta ugu muhiimsan dunida”.
Waxay warbixinta sida muuqata ay diirada saareysaa sida xukuumada Beijing maanta ay u noqotay awood looga dambeeyo qodashada macdanada ugu qaalisan caalamka iyo caga dhigashada meel walba oo ay ku tuhunto, laga soo bilaabo qaarada Aasiya, dhulka Latin America , iyo qaaradan aynu ku noolnahay ee Afrika, oo la sheego iney ku aasanyihiin macdanada caalamka naadirka ku ah in la helo.
Majaladu waxa ay sheegeysaa in Shiinuhu uu dadaal iyo dagaal siyaasadeedba uu ku bixiyey sidii dhulalka aan soo xusnay ay u noqon lahaayeen kuwa isaga kaliya uu ka xayuubsado kheyraadka, uuna uga qadiyo galbeedka iyo xitaa mararka qaar dadkii xaqa u lahaa ciida laga qodayo macdanta qaaliga ah.
Waxaa sidoo kale xogta joornaalkan lagu cadeynayaa in maanta xukuumada Beijing ay maamusho boqolaal warshado ah oo kala firirsan misana soo saara macdanta nuucyadeeda kala duwan, kuwaasoo sida warbxiintu ay tibaaxeyso intooda badan ku shaqeeya qaab sharci daro ah “Black Market“.
Wen Jiabao oo ah ra’iisul wasaarihii hore ee Shiinaha, dhanka kalana darajo ahaan master ka heysta cilmiga dhulka ayey saxiifadu sheegeysaa in sanadii 2011 uu afkiisa ka cadeeyey in dowladiisu ay gacanta ku heysto ilaa 11 goobood oo laga qodo macdanta, kuwaas oo ay kula wareegeen qaab xoog ah.
Waa taan ogeyn in sanadkan gudihiisa uu Shiinaha ka dhacay shir lagu kulansiiyey dhamaan madaxda qaaradan Afrika? hadaba marka laga soo tago ajandayaasha kale ee laga hadlay, mala dhihi karaa oo warbixinadu ma daabacayaan aragtida ah Shinuhu waxa uu afrika ka naawilayaa inuu ka helo firsado ka balaaran inta hada uu heysto?
Marka wax lagu dhisto diraasadaha iyo taqaariirta soo bexeysa tan iyo wixii ka dambeeyey shirka aad xustay oo dhacay 4-tii bishii tagtay ee September, waxay muujinayaan jawaabta ah HAA, sababtoo ah ma jiri karto bey leeyihiin damac aan faa’ido doon ahayn oo ay Beijing halkan kasoo yeelan karto.
Xitaa shirkaas kadib hal maalin oo ay taariikhdu ahayd 5 September waa taan ogeyn in Shiinuhu uu ku bixiyey lacag gaareysa ilaa 50 Bilayn oo doller-ka Mareykanka, oo uu sheegey iney tahay maaligelin uu ugu tala galay qaarada Afrika 3 sano ee soo socota, waxaana waqti xaadirkaas talaabadan lagu tilmaamay in Shiin Jiin Biin uu qaaradan ka soo ceshan doono lacagtaan iyo ka badan waliba qaab siyaasadeysan oo aanan dareen galin doonin bulshada qaaradan.
Isku soo wada xooriyow warbixintan waxay si guud daaha uga qaadeysa sida Shiinuhu maanta uu u noqday midka ugu macaash doontanka badan marka laga hadlayo qaaradaha Assiya iyo Afrika iyo qeybo balaaran oo kamid ah dhulka Laatin Ameerika, damiciisa ugu weyna uu u yahay sida sanadaha soo aadan uu salka dhulka ugu sii dhigi lahaa mashruuciisan boobka ah.
FAAFREEB PRO