Sidee Ayuu u Dhacay Weerarkii Xaga Isgaarsiinta ee ay Yuhuuda Xisbullah ku Qaadeen?.

Dec 23, 2024

Sida uu daabacay wargeyska THE JERUSALEM POST isagoo soo xiganaya wareysi uu qaaday Telefishinka Mareykanka ee CBS, xubino ka mid ah sirdoonka yuhuuda ayaa shaaciyey qaabkii ay u qorsheeyeen weerarkii dhanka isgaarsiinta ahaa ee ay ku qaadeen ururuka isugu yeera Xisbullah 17-ka September-tii lasoo dhaafay

Telefishinkan ayaa barnaamijka ka baxa ee 60 Minutes wuxuu waraysi la yeeshay Labo kamid ah wakiilkiiladii hay’adda sirdoonka gumeystaha ee Mossad u qaabilsanaa inuu Xisbullah laga iibiyo nidaamkan isgaarsiinta ee la qarxiyay.

Shaqsiyaadkan ayaa intii uu wareysiga bixinayey sheegay in dhammaan qalabka isgaarsiineed ee ay ku qarxiyeen ururukan isugu yeera Xisbullab ay diyaariyeen muddo 10 sano ah ka hor, maado walba oo qaraxdana ay gudaha taleefanada galiyeen sida Binjerka.

Intii wareysan uu socday waxa uu sidoo kale wakiiladan sheegeen iney dhiseen shirkado xaga Online-ka ah kuwaas oo ay ku iibiyaan qalabka, waxa ayna sheegeen in kaliya ay qalabkoodan la bartilmaameedsanayeen gudaha Lubnaan gaar ahaan ururkan Iran ku daaban ee isugu yeera Xisbullah.

Gaba gabadii inta badan falanqeynadu waxay ku waramayaan in hadii weerarkan dhanka isgaarsiinta ay yuhuuda qorsheeneyeen muddo 10 sano ah, waxaa iyagaduna shaki ku jirin in 10 sano iyo ka badan ay sahaayinadu ka baaraan dagayeen wixii jab ahaa ee sanadkan ku dhacay Xisbullah, iyo dilka ragii ugu waaweynaa ururka.

FAAREEB PRO