Sidee Reer Mogdisho Uga Falceliyeen Gefkii uu Ugaystay Gurguurte.

Aug 10, 2024

 

Dadka ku dhaqan magaalada caasimadda ee Muqdisho, ayaa si adag uga jawaabay hadalkii saacadihii lasoo dhaafay kasoo yeeray murtad Xassan Sh Maxamuud, oo ah madaxa kooxda Ridada Somalia, kaasi oo uu ugu gefay sidoo kalena ugu jeesjeesay dadka ku dhaqan caasimadda ee ka sheeganayay dhaqaale xumada caasimadda ka jirta.

Bulshada ku dhaqan magaalada caasimadda ah oo isugu jira dhalinyaro iyo waayeel oo warbaahinta kula hadlayay gudaha magaalada ayaa sheegay, in hadalka murtad Xasan Sheekh uu ahaa mid meel ka dhac ku ah bulshada, sidoo kalena ka dhan ah dadkii uu hantidooda boobay.

Qaarkood waxay sheegeen in dhaqaale yarida caasimadda iyo shaqo la’aanta ay soo billaabatay tan iyo markii uu xukunka dowladda Riddada dib u qabsaday Gurguurte, waxay soo socotana ay kasii dartay bilooyinkii u dambeeyay, kadib markii uu xasan murtad jidgooyo dhigtay meel walba oo bulshadu nolashooda ka maareyn jireen.

Mid ka mid ah waxgaradka caasimadda ku dhaqan oo ka mida dadkii ka warceliyay hadalka murtad Xasan Maxamuud ayaa sheegay in dhaqaale yarida caasimadda ka jirta ay tahay mid loo siman yahay oo aysan ku koobnayn dhalinyarada kaliya, waxa uu tilmaamay in dhibaatada dhaqaale ee dalka ka jirta ay sabab u tahay dowladda Riddada ah ee uu hoggaamiyo Gurguurte, wuxuu sheegay inay sugayeen isbaddel ay keento kooxda Villa Somalia fadhisa oo ay joojiso boobka iyo bililaqada, balse ay jawaabteedu noqotay mid gef ah oo ka dhan ah dadka Soomaaliyeed.

Dhalinayarada iyo wadeyaasha gaadiidka ayaa sidoo kale ka mid ahaa dadkii ka war celiyay hadalka murtadkaasi, waxayna sheegeen in lacag la’aantu tahay mid dhinac walba laga dareemayo, wadeyaasha mootooyinka ayaa sheegay in mararka qaar ay waayaan cid ay qaadaan, dadkii rakaabka u ahaana dhaqaale xumada jirta awgeed ay door bidaan inay lugta maalaan.

Waxaa xusid mudan in arrimaha ka dhashay dhaqaale xumada caasimadda ka jirta ay ka mid tahay in ganacsatadii hantida adag haystay ay lacagahooda kala baxeen Bankiyada,kuwii dhulalka iibsan jirayna cabsi ay ka qabaan xilliga kala guurka ah ay ujoojiyeen dhaq dhaqaaqyadii ay wadeen, kaddib markii xubno ka tirsan qoyska Xasan Gurguurte ay dhulboob xad dhaaf ah ka sameeyeen Muqdisho, dhulal ay ganacsato ka iibiyeenna ay qalaalaase ka dhasheen.