Sirdoonka Mareykanka ayaa la sheegay inuu ka howgallayo marinada isku xira Qaza iyo Masar xilli dhinacyada ay ka jirto xabad joojin socota tan iyo 19-kii Bishan aynu ku guda jirno ee January, waa qodob kale oo aan maanta ku eegi doono xubinta.
Sida ay daabacayeen joornaalada Newyork Times iyo kan sahaayinada ee Walla, shirkaddo amni oo Mareykan ah ayaa lagu warramaya inay ka howlgallayaan marinnada isku xira Qasa iyo Masar, iyadoo ujeeddada ay halkaa u joogaan lagu sheegay iney la socdaan dhaqdhaqaaqa guud ee halkaas galitaan iyo bixitaan intuba.
Waxyaabaha sida gaarka ah ay halkaas ugu suganyihiin sirdoonka Mareykanka ayaa lagu sheegay inay ka hortagayaan iskuday kasta oo hub lagu gelin karo marinka Qasa, inta lagu jiro heshiiska xabbad-joojinta Qaza ee ka kooban ilaa Sedexda weji.
Maamulka yuhuuda iyo Mareykanka ayaa ka baqanaya in halkan ay ka gudbaan hub kala duwan oo gaara gacanta kooxaha Muqaawamada Filistiin, maadaama xilli kasta filasho loogu jiro buritaanka heshiiska sidaasina ay sahaayinadu uga baqayaan iney markale gudaha marinka ku wajahaan jaxiimo hor leh oo feenata ciidankooda.
FAAFREEB PRO