Siyaasiyiin Katirsan Ridada oo Gurguurte Ku Edeeyay in uu Hurinayo Dagaal Beeleedyo.

Sep 5, 2024

Xasan Gurguurte oo ah madaxa kooxda ridada soomaaliya ayaa wajahaya cadaadisyo siyaasadeed oo uga imaanaya xubno katirsan kooxdiisa balse mucaaradsan qaabka uu wax umaamulayo.

Kulamo siyaasadeed oo ka dhacay magaalada Mudisho ayay siyaasiyiin murtadiinta katirsan kasoo saareen warsaxaafadeed ay ku dhaliilayaan madaxa kooxda ridada.

Siyaasiyiinta oo ubadan xildhibaanno katirsan golaha dawaaqiidda ayaa Xasan Gurguurte ku eedeeyay in uu ku fashilmay dhammaan qodobadii uu ballan qaaday doorashadiisi ku dhowaad sedax sano ka hor.

Shariif Sheekh Axmed madaxii hore ee kooxda ridada oo kamid ah siyaasiyiintii kulmay ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in hoggaanka kooxda ridada uu mas’uul ka yahay dagaal beeleedyada ka holcaya gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya islamarkaana uu dib usoo nooleeyay qabyaaladda.

Gurguurte ayaa lagu eedeeyay in uu dhisay maleeshiyaad macaawisley ah kuwaas oo geysanaya gabood fallo ka dhan ah dadka rayidka ah, murtad shariif sheekh axmed ayaa ugu baaqay qabaa’illada soomaaliyeed ee xasan gurguurte hubka isugu dhiibayo in ay ka joogsadaan dhiigga ay iska daadinayaan.

dhinaca kale Senator Farxaan Cali Xuseen oo kamid ah golaha dawaaqiidda ayaa ku tuhmay madaxa kooxda ridada in uu mas’uul ka yahay dhibaatada soomaaliya kajirta isagoo carabaabay in Gurguurte uu fashil ka muquuranayo.

Arrimahan ayaa imaanaya iyadoo isbuucii lasoo dhaafay uu xasan gurguurte jeediyay khudbad uu ku sheeganayay in xukuumadiisu ay gaartay guulo siyaasadeed balse waxaan sheegashadaas waxba kama jiraan ku tilmaamay isla mas’uuliyiin katirsan murtadiinta