SL oo Alabaabada u Laabtay Xurumo ay Masar ku Leedahay Hargeysa.

Sep 12, 2024

Maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa Albaabada isugu laabay xaruntii ugu weyneed ee dowladda Masar ku laheyd magaalada Hargeysa iyadoona laceriyay shaqaalihii Masaarida.

War rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Ashahaadda ladirirka isku magacaabay Somaliland ayaa lagu xiray dhammaan xarumihii ay dowladda Masar ku laheyd magaalada Hargeysa ee xarunta gobolka waqooyi galbeed Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee maamulka la baxay Somaliland ayaa ku dhawaaqey in ay albaabada isugu laabeen Maktabaddii Masaarida ee Hargeysa.

Ciise Keyd oo ah wasiirka arrimaha dibadda maamulka Riddada Somaliland ayaa sheegay in ay farriin u direen Xukuumadda Al-Qaahira islamarkaana ay la wadaageen go’aankooda ay ku xirayaan Maktabadda Dhaqanka ee Masar, wasiirka ayaa arrintan la xiriiriyey ka dib markii Masar hub ka dejisay magaalada Muqdisho hubkaas oo lagu taageeray kooxda Ridada Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Gurguurte.

“Waxa jira oo Somaliland aqoonsatey walaacyo amni oo halis ku ah jiritaankeeda sidaas darteed Wasaaradda Arrimaha Dibeddu waxa ay go’aansatey in lagama maarmaan ay tahay in si joogto ah loo xiro maktabadda Masar ee Hargeysa” ayuu yiri Murtad Ciise Keyd.

Wararka ayaa intaas ku daraya in shaqaalaha Masaarida ee ka howlgelayay xarunta laxiray loo qabtay in ay Hargeysa uga baxaan 72 saac gudahood.

Wuxuu sidoo kale sheegay in is afagaradkii ama MoU-ga ay Itoobiya kusiiyeen qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya uu soo gebogaboobey islamarkaana lagu mashquulsanyahay sidii is afgaradkaas loo dhaqan gelin lahaa,
“Waxa halkan aan ku shaacinayaa in heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ee MoU-ga la oranayey uu soo dhammaadey, haddana muddo aad u dhow heshiiskii la dhammayn doono” ayuu markale yiri Ciise Kayd.

Tallaabadan uu qaaday maamulka Ashahaadda ladirirka Somaliland ayaa larumeysanyahay in uu yahay mid ay amarkiisa bixisay dowladda Xabashida Itoobiya oo uu khilaaf xooggan oo dhanka biyaha webiga Niil uu kala dhaxeeyo Masar.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin xukuumadda Al Qaahira oo ku saabsan amarka lagu ceyriyay shaqaalaheedi Hargeysa islamarkaana lagu xiray xaruntii ugu weyneed ee ay ku laheyd gobollada waqooyi.

FAAFREEB PRO