Mid kamid ah masuuliyiinta ugu sar sareysa Mareykanka ayaa maanta oo sabti ah gaaray gudaha dhulka ay yuhuuda xooga ku heystaan, xilli wali ay jiitamayaan qorshooyinkii la doonayey in xabad joojinta looga gaaro gudaha Qaza.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Mareykanka Anthony Blinken ayaa gaaray deegaanada ku hoos jira ixtilaalka yuhuuda, waxa uuna durbadiiba la kulmay qaar kamid ah saraakiisha gumeystaha, iyagoona kawada hadlay arimo dhowr ah oo quseeya waxa dagaal a ee ay wajahayaan.
Sidoo kale xogaha ayaa intaasi ku daraya in Blinken uu sidoo kale kulamo gaa rah la qaadan doono Binyamin Natayaahu, iyagona wada gorfeyn doona arima la xiriira xabada joojinta la qorsheynayo.
Ugu dambeyn wasiirka arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa halkaas uga sii gudbi doona caasimada dalka Qadar ee Dowxa, isagoona halkaas fadhiyo kala duwan kula qaadan doona madaxda garwadeenada ka ah heshiiskan xabad joojineed ee la qorsheynayo.
Xukuumada Washington ayaa isku muujineysa mid nabad u raadineysa waxa uu martigalinayo dhulka loo bixiyey bariga dhexe gaar ahaa Filistiin, iyadoo caalamku uu marqaati kayahay falkii ugu dambeeyey ee uu mareykanku ku kacay ee ahaa, In yuhuuda uu u ogolaaday inuu ka iibiyo hub ku kaca Balaayiin dollar si halkooda ay uga sii wadaan laynta abriyada reer Qaza.
Kusoo biir janaladeena Telegram-ka 👇