Somaliland oo Saxiixday Heshiis Lagu Boobayo Khayraadka Dalka.

Oct 14, 2024

Maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee la magac baxay Somaliland, ayaa markale heshiis lagu boobayo khayraadka umadda Soomaaliyeed la saxiixday shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Heshiiskan ayuu maamulka murtad Muuse Biixi magaalada Abuu Dubaay kula soo saxiixday shirkad Imaaraadka laga leeyahay oo lagu magacaabo Emirates Industrial Laboratory, taasi oo ay u xil saareen inay qaadato baarista macaadinta oo ka mid ah khayraadka dabiiciga ah ee uu Allah ku manneystay dadka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah.

Maxamed Cismaan Saciid oo ah agaasimaha wazaaradda Macdanta iyo Tamarta maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Somaliland, ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid shirkadda Imaaraadku leeyahay ay ku maalgalinayso wasaaraddiisa sidoo kalena ku maamulayso macaadinta kala duwan ee laga soo saaro deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo.

Heshiiskan maamulka Muuse Biixi kusoo saxiixay magaalada Abuu Dubaay ee caasimadda Imaaraadka carabta, ayaa qayb ka ah heshiisyo sharci darro ah oo uu sannadkan lasoo galay dowladaha shisheeye ee qaybta ka ah boobka dhaqaale ee saliibiyiinta iyo dowladaha Riddada ah ku hayaan khayraadka umadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah, waxaana ugu waynaa heshiisyada uu galay maamulkan, heshiiskii 1-dii bishii Janaayo uu Itoobiya ku siiyay qayb ka mid ah biyaha Somalia.

Kusoo Biir Barteena Telgram.
https://t.me/Faafreebpro111