Maamulka ridada Somaliland ayaa Kooxda Ridada Soomaaliya ku edeeyay in ay hurinayso colaada ka taagan magaalada Ceeri-Gaabo.
Agaasimaha Warfaafinta maamulka Hargaysa Mustafe Cabdi Ciise, ayaa sheegay in Kooxda Gurguurte ay xasaradahaasi ku doonayso in ay ku fashiliso doorasho gaaleedka maamulkaasi.
“Sidaad la socotaan Somaliland waxay u jihaysatay in ay qabato doorashooyinkii madaxtooyada iyo ururada, si taa looga hortago waxa ay maamulka taagta daran ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ay go’aamiyeen in gobolka Sanaag laga rido dagaal” ayuu yiri Mustafe Cabdi Ciise.
Wuxuu maamulka Somaliland sheegay in Xasan Gurguurte uu murtad Axmad Karaash madaxwayne ku xigeenkii hore ee maamulka Puntland, ay uxilsaartay arimahaasi, ciidamo uu watana ay dad shacab ah oo gaaraya ilaa shan ruux ay dileen ayna dhaceen ilaa 15 neef oo Geel ah.
“Si looga hortago doorashooyinkeenna waxa maamulka Muqdisho ee Xasan Sheekh ku talo-galay in laga rido dagaal gobolka Sanaag waxaanay u xil saareen Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Axmed Karaash oo muddooyinkii dambe ka soo hanjabayay meelo ka mid ah gobollada Sanaag iyo Sool” ayuu yiri masuulkan uhadlay maamulka Hargaysa.
Xiisada ka taagan magaalada Ceeri-Gaabo ayaa faraha kasii baxaysa iyadoo maamulka Muusa Biixi magaaladaasi uu ku daad gureeyay ciidamo farabadan, islamarkaana uu kusoo rogay xaalad bandow ah.
Maamulka isugu yeeray SSC Khaatumo ee fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood ayaa xasaradahan ka taagan gobolka Sanaag ku edeeyay in uu ka danabeeyo Muusa Biixi, oo magaaladaasi socdaal ku tagay todobaadkii lasoo dhaafay.