Wasiirka warfaafinta maamulka ashahaada la dirirka ah ee isku magacaabay Soomaaliland ayaa ka hadlay wadahadalada uu Turkigu ka dhaxwado Kooxda ridada Soomaaliya iyo dawladda Itoobiya.
Waxa uu sheegay in xukuumada Villa Soomaaliya ay kaliya u hanqal taageysay in iyada lasoo maro ayna saxiixdo heshiiska, wax rajo ahna aysan ka leheen bada Soomaaliya xitaa hadii iyada oo dhan la xayuubsado.
Isagoona yiri “Xasan shekh iyo xukuumadiisu rajo kama laha Badda Somalia mana diidana Ethiopia balse waxay u ordayaan waa inay iyagu heshiiska saxiixaan oo kaliya”
Murtadkan oo lagu magacaabo Cali Mareexaan ayaa sidoo kale sheegay in Xasan Sheikh Maxamuud uusan Itoobiya heshiis kula gali karin xeeba ku yaala deegaanada ay ka arimiyaan.
Isagoona yiri “Waxan u sheegaya xukuumada Somalia in aanay bixin karin ama heshiis Itoobiya kugula gali karin deegaanada Somaliland”.
Tani ayaa noqoneysaa markii ugu horeysay ee uu maamulkan ashahaada la diririka ah ka hadlo wad