Spain oo Laashay Qanadaraas ku Kacayey Malaayiin Dollar oo uu Kala Dhexeeyey Yuhuuda.

Nov 3, 2024

Dowladda Spain ayaa gabi ahaanba laashay qandaraas malaayiin doollar ah oo ay rasaas uga iibin lahayd shirkad militari oo laga leeyahay deeganada yuhuuda ay xooga kula wareegeen.

Wasaarada arimaha dibada ee xukuumada Madrid ayaa sheegtay iney ku dhaqaaqday talaabadaas waliba si kama dambeys ah, sidaasina uu ku hakaday heshiiskii kala dhexeeyey shirkadaas ay leeyihiin yuhuuda ee iibisa hubka nuucyadiisa kala duwan.

Joornaalo badan oo uu kamid haya midka yuhuuda ah Globes ayaa shaaca ka qaaday in qandaraaska ay ka laabatay dowladda Spain uu ku fadhiyey aduun lacageed oo gaaraya ilaa 7 milyan oo Dollar Mareykanka ah, waana dharbaaxo kale oo soo gaartay maamulka isugu yeera Israel marka laga soo tago markabkii todobaadyadaan socdaalayey xeebaha caalamka kaasoo ay deeriyeen dekedo fara badan.

Madrid ayaa midan ku sheegtay iney u sameysay si loo ballaariyo go’aankii bishii Oktoobar ee sanadkii 2023 ay ku mamnuuceen in wax hub ah laga iibiyo maamulka isugu yeera Israa’iil, maadaama bey tiri uu ku kacayo xasuuqyo aanan loo meel dayin.

Spain ayaa horay ugu biirtay wadamada Midowga yurub ee katirsan ee kasoo horjeestay waxa uu wado Binyamin Natanyaahu, waxayna hada u muuqataa inuu sii xumaanayo xiriirka gabaabsiga u muuqda ee u dhexeeya Labada dhinac.

FAAFREEB PRO