Nidaamka dhaaqiga ah ee Aala Sacuud ayaa lacag ku dhow 1 Tiriliyoon oo dollar uu ku maalgeliyo Mareykanka, xilli Trump-na uu midaas ku tilmaamo horumar weyn.
Sida uu nashriyey joornaalka The Independent xukuumada Riyad ayaa dooneysa in lacag hal Tiriliyoon oo dollar ay ku maalgashato Mareykanka, taaso ka badan damicii Trump oo markii hore ahaa in Sucuudiga kaliya uu dhulka Mareykanka ku maalgashto lacag 600 Bilyan oo dollar.
Donald Trump ayaa kadib imaatinkiisii xafiiska aqalka cad waxa uu Maxamed Binu Salmaan u bandhigay maalgashiga intan la eg, waxaana lagu wadaa in kani uu noqon doono dhaqaalihii ugu badnaa ee ay xukuumadan cusub kasoo xareyso dibada tan iyo inta uu joogo Trump uu joogo kursiga xafiiska.
Hadii Sucuudiga uu dhulka Mareykanka intan oo maalgalin ah ku bixiyo ayaa lagu waramayaa in xukuumada Alla Sacuud ay iyaduna heli doonto damaanad qaad amni iyo in Trump uu ilaalin doono nidaamka reer Binu Salmaan.
Tani ayey inta badan shucuubta islaamka u arkaan ku tamashleyn iyo in qoyska Aala Sacuud ay markale doonayaan in hantida umada muslimka ah ay u gacan galiyaan gaalada caalamka si dib loogula soo laabto dhibaateynta shucuubta Islaamka meel walba oo ay ka joogaan daafaha dunida.
FAAFREEB PRO