Sida uu ku waramayo wargeyska The Straits Times hogaanka qaar kamid ah wadamada Carabta ayaa doonaya in maalmaha soo aadan ay kulan ku yeeshaan magaalada Riyadh ee dalka Sucuudiga, waxaana la sheegay iney ka wada hadli doonaan arrimo la xiriira qorshaha Trump uu ka dhawaajiyey ee ka doonayo dhulka Qaza.
Hogaamiyeyaasha dalal Masar, Urdun, Qatar iyo Imaaraadka Carabta ayaa ka qeyb galaya shirkan, waxa uuna qabsoomi doonaa maalmo ka hor inta uusan dhicin kulan ay yeelanayaan ururuka jaamacada Carabta oo isagana la doonayo in arinkan lagu dhiraandhiriyo.
Gunaanudkii waxaa xusid mudan in Sucuudiga ay sidoo kale imaan doonaan maalmaha soo aadan Vldamir Putin iyo Donald Trump, si ay uga wada hadlaan qadiyada Ukrain, soo afmeeritaanka hardanka socda tan iyo bishii February 24-keedii 2022.
FAAFREEB PRO