Sucuudiga oo uu ka Bilaaban Rabo Waan-Waan Lagu soo Afmeerayo Dagaalka Ukrain.

Feb 16, 2025

Mas’uuliyiin American ah ayaa wufuud ka socota dowlaha Ruushka iyo Yukreyn kula kulmaya dalka Sacuudiga, xilli dhanka kale la filayo in muddo aanan fogeyn ay kulmaan Putin iyo Trump.

Sida uu baahiyey joornaalka Al-Qudus Al-Carabiya koox ka kooban saraakiil sar sare oo ka tirsan maamulka Mareykanka ayaa wadahadal kula yeelan doona Sacuudiga gudi ka socda dhanka wadamada Ruushka iyo Ukraine, si loo soo afmeero loolanka waqtiga fog ka dhax holcaya Kyev iyo Moscow.

Saraakiishan ma aysan bixin faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan xilliga la qabanayo kulamadan xasaasiga ah iyo xilliga ay mas’uuliyiintu dib ugu safri doonaan halkii ay ka yimaadeen.

Waxay midan kusoo beegantay ayaa la oran karaa maalmo un kadib markii Donald Trump uu sheegay inuu la hadlay dhigiisa Ruushka Vladimir Putin ayana ku heshiiyeen inay ka wadahadallo xabbad-joojin ah ka billaabaan Ukraine, walow saadaal badan ay sheegeyso in Ukrain iyo xulafadeeda ay adkaan doonto iney si sahlan ku qaataan waxa kasoo baxay dhinacyda waa Ruushka iyo Mareykankee.

FAAFREEB PRO