Suuqa Bakaaraha Oo Maanta U Xiran Lacagaha Baadda Ee Xassan Gurguurte.

Feb 8, 2025

Waxaa maanta oo Sabti ah inta badan xirmay ganacsiga suuqa ugu wayn Soomaaliya ee Bakaaraha, kaddib markii ganacsatadu ka gadoodeen lacago baad xad-dhaaf ah oo kooxda Ridadu soo rogtay.

Xirnaashaha suuqa Bakaaraha ayaa yimid kaddib war qoraal ah oo kasoo baxay ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaas oo go’aamiyay in albaabada loo laabo xarumaha ganacsiga ee magaalada Muqdisho, waxay sidoo kale sheegeen inay lasoo darseen caqabado buura ah oo kaga yimid kooxda Riddada Soomaaliya, oo dhammaan ku dul-wareeganaya baad iyo handadaad joogto ah.

Waxay sheegeen in ganacsiga caasimadda uu dhulka galay, sababo la xiriira lacagaha baadda isdaba joogga ah ee ka imaanaya kooxda Riddada, si gaar ah wasaaraddeeda maaliyadda, sidoo kale go’aankii dhowaan kasoo baxay taliska booliska Riddada ayay sidoo kale si adag uga soo horjeesteen ganacsatadu, kaasi oo dhigayay inay qaataan waxay ugu yeereen warqad dambi la’aan ah, taasi oo ujeedkeedu yahay lacagaha baadda ah ee kooxda Riddadu doonayso.

Wazaaradaha Riddada kaliya ma ahane waxay sheegeen in qorshaha boobka ay qayb wayn ka yihiin hayadaha amniga Ridada sida ha’yadda sirdoonka ee NISA loogu yeero, taas oo suuqyada ganacsiga ka billowday hanjabaad iyo in ay xiraan goobaha dadku ku shaqeystaan, iyaga oo baad doon ah, sida lagu sheegay warka soo baxay.

Arrimahan oo is biirsaday ayay ganacsatadu sheegeen inay ka wadi waayeen shaqooyinkii ay hayeen, waxay taasi keentay sida ku cad war qoraalka kasoo baxay in ganacsiga magaalada uu hoos u dhac wayn ku yimid, sidaas darteed na ay go’aamiyeen in maanta albaabada la isugu laabo dhammaan suuqyada magaalada Muqdisho.

Go’aanka ay isku raaceen ganacsatada gobolka Banaadir ayaa maanta si wayn looga dareemay suuqa Bakaaraha ee ugu wayn Soomaaliya, muuqaallo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay suuqa oo haawanaya, qaar ka mid ah ganacsatada oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in maleeshiyada NISA ee baad doonka ah ay dhibaato xoog leh ku hayaan ganacsiga xorta ah ee caasimadda, waxay intaas ku dareen in ciddii ka dhaga adeegta oo bixin waysa baadda ay doonayaan lagu qasbayo in uu albaabada isugu laabo ganacsigiisa.