Cabsida caalamka ay qabaan dagaallada ka holcaya qaarada Afrika iyo sida ay u saameyn karaan agabka elegtarooniga ah ee adduunka oo dhan.
Sida uu daabacay joornaalka Ruushiyaanka ah ee Fazghaliyaad, xiisadaha colaadeed ee ka holcaya qaarada Afrika ayaa sii mugdiyeynaya masiirka suuqyada caalamka marka laga hadlayo kal iibsiga qalabka elegtarooniga nuucyadiisa kala duwan, maadaama ay yaraadeen helitaanka macdanada kala duwan ee muhiimka ah ee laga daabuli jiray Afrika.
Waxaa tusaale loo soo qaadanayaa colaadda hadda u dhaxaysa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Rwanda taasoo la sheegay in saamayn taban ay ku yeelanayso shirkadaha caalamiga ah ee dhoofiya macdanada kala duwan ee loo adeegsado dhalinta korontada iyo soo saarista agabka kala duwan ee elegtarooniga.
Macdanta Coltan oo kamid ah kuwa ugu muhiimsan caalamka kana qeyb qaadata soo saaritsa Tv-yada iyo Taleefanada ayaa lagu waramayaa in hoos u dhac balaaran uu ku yimid waayahan xiisadaha qaarada ka jira awgood, jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ayaana heysata ilaa 80% kaydka Caltanka adduunka.
Sidaas ayey dunida gaar ahaan galbeedkeeda ay walaac uga muujinayaan masiirka suuqyadooda elegtarooniga, iyo sida xaaladu ay marwalba isku badali karto hadii ay sii taraaraan xiisaadaha sokeeyo ee ka holcaya dhulka hodanka ku ah macdanada kala duwan ee qaaliga ah.
FAAFREEB PRO