Taliska ATMIS oo Markale Shaaciyay Inay la Daalaa Dhacayaan Dhaqaale Yari Baahsan.

Oct 16, 2024

Taliska Isbahaysiga kuffaarta Afrikaanta ee la magac baxay ATIMIS, ayaa markale shaaciyay inay la daalaa dhacayaan dhaqaale yari baahsan, xilli midowga Africa uu u raadinayo isbahaysi kale oo beddela ATMIS, wixii ka dambeeya 2025-ka.

Shabakadda Al-jazeera ayaa daabacday warbixin dheer, taasi oo ay kaga hadlayso dhibaatooyinka ay ciidanka kuffaarta Afrikaanta kula kaceen dadka rayidka ah, gaar ahaan dilalka iyo dhaawaca ay ka gaysteen qaybo ka mid ah Sh/hoose.

Waxay shakabaddu sheegtay in dadka Soomaaliyeed ee kuffaartu dileen aysan helin wax magdhow ah, saraakiisha sare ee taliska ATMIS ayaa shabakadda u sheegay in arintaasi ay sabab u tahay dhaqaale la’aanta haysata isbahaysiga.

Maxamed El-Amin Suweef, oo ah madaxa midowga gaalada Africa ee ATMIS, ayaa sheegay in isbahaysigiisa uu wajahayo dhibaatooyin dhaqaale oo xooggan, kaasi oo uu tilmaamay in uu khatar gelinayo mustaqbalka howlgalkaasi.

Shabakadda oo soo xiganayso farriin cod ah oo uu Suweef u diray Al-jaziira, ayuu ku sheegay in taliska uu wajahayo xaalad dhaqaale la’aan oo aad u daran, taasina ay keentay in xitaa ku fakaraan inay joojiyaan howlgalka ashahaada la dirirka ah ee ay kaga jiraan Soomaaliya, wuxuu sheegay inaysan jirin maalgelin ku filan oo ay ku sii wadi karaan duullaanka ashahaada la dirirnimo.

Wuxuu tilmaamay in mustaqbalka howlgalkiisa uu halis ku jiro, iskaba daa in ATMIS bixiso magdhowga dadka rayidka ah ee ay ku dileen deegaannada ay duullaanka ku joogaan.

“waxaan la kulmay qoysaska dadka aan ka dilnay, waxaanan u sheegay in ATMIS ay wajahayso dhibaatooyin dhaqaale heer aan gaarnay inaan ka fakarno inaan joojinno hawlgalkooda,” ayuu ku sheegay Maxamed El-Amine Suweef, farriin cod ah oo uu u diray Al Jazeera.

Sannadkii hore ayuu Suweef sheegay in isbahaysigiisa ashahaada la dirirka ah oo u baahan yahay ugu yaraan $2 milyan oo dollar oo ka helaan dowladaha saliibiyiinta ah ee dhaqaalaha ku bixiyo ciidamada kuffaarta, si ay ugu daboolaan magdhowga ku dhawaad 80 kiis oo ah dhibaatooyin isugu jira dilal iyo dhaawacyo oo dad rayid ah ay kula kaceen ciidamada kuffaarta Afrikaanta, balse taasi loo awoodi waayay.

FAAFREEB PRO