Mid kamida mas’uuliyiinta maamulka Ashahaadda ladirirka Puntland ayaa tacaddiyo ugeystay dad shacab ah oo ku dhaqan waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Taliyaha booliska maamulka Riddada Puntland qeybta Mudug ayaa gaari si bareer ah ujiirsiiyeen laba wiil dhalinyara ah xilli ay mooto dhug-dhugleey la socdeen.
Falkan waxaa ku dhintay 1 ruux halka mid kale uu si xun ugu dhaawacmay, ehelka dhibanayaasha ayaa warbaahinta usheegay in taliyaha booliska gobolka Mudug uu gaarigiisa si ula kaca ah ugu dhuftay wiilasha kadib markii laweydiiyayna uu ku jawaabay in uu ka shakiyay mootada sidaasna uu u dilay dhalinyaradii la socotay.
Hooyada dhashay wiilasha dhimashada iyo dhaawaca ku noqday falkan bahalnimo ayaa warbaahinta usheegtay in wiilkii dhaawacmay uu ku dhibaataysanyahay isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo islamarkaana mas’uuliyiinta maamulka Riddada Puntland ay diideen in ay megdhow ka bixiyaan weerarka.
Askarta iyo saraakiisha maamullada riddada ah ee ka jira dalka Soomaaliya ayaa tacadiyo joogta ah ku haya dadka shacabka ah ee ku hoos nool, waxaana falalkaas usii dheer kufsiga iyo boob ay ugeystaan hantida bulshada.