Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa weli ka taagan xiisado dagaal oo u dhaxeeysa maleeshiyaad katirsan maamulka isku magacaabay Puntland iyo kuwa kale oo daacad u ah dowladda Mareykanka.
Wararka ka imaanaya Boosaaso ayaa sheegaya in weerar culus lagu qaaday gaari uu la socday taliyaha ugu sarreeya maleeshiyaad PSF ee qaabka ashahaadda ladirirnimo u abaabulan.
Jeneraal Maxamuud Cusmaan oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil kadib markii rasaas culus lala helay gaarigii uu watay.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in gaari nuuciisu yahay land cruiser oo uu la socday Jeneraal Maxamuud Cismaan weerar toos ah lagu qaaday kadibna ay maleeshiyaadka ilaalada u ah iska caabin adag sameeyeen.
Sarkaalka weerarka ka badbaaday ayay xurguf xooggan kala dhaxaysaa maamulka Siciid Cabdullaahi Deni, bishii lasoo dhaafay ayay iska hor’imaadyo labada dhinac ugu dhaxmareen magaalada Boosaaso.
https://somali-memo.org/articles/20187/Taliyaha-Maleeshiyaadka-PSF-oo-ka-badbaaday-weerar-ka-dhacay-Boosaasohttps://somali-memo.org/articles/20187/Taliyaha-Maleeshiyaadka-PSF-oo-ka-badbaaday-weerar-ka-dhacay-Boosaaso