Mas’uul katirsan kooxda Ridada ayaa ku dhawaaqay in maleeshiyaadkoodu ay si xad dhaaf ah u isticmaalaan Maandooriyaha Xashiish-ka.
Mid kamida saraakiisha kooxda ridada soomaaliya ayaa sheegay in maleeshiyaadkoodu ay ladhibanyihiin maandooriyaha qeybihiisa kala duwan.
Mahad C/raxmaan oo loo yaqaan Shubka taliyaha ciidanka asluubta kooxda ridada ayaa goob fagaara ah ka sheegay in maleeshiyaadka kooxda ay ladaallaa dhacayaan dhibaatooyin ay ka dhaxleen maandooriyaha xashiish-ka oo ay qabatoomeen.
wuxuu sheegay in lacago laaluush ah oo ay ka qaataan maxaabiista xabsiga dhexe ku xiran ay ku iibsadaan xashiishka isagoo ka qeylla dhaamiyay heerka uu gaaray isticmaalma maandooriyaha Xashiish-ka ee murtadiinta dhaxdooda ah.
Taliyaha asluubta kooxda ridada ayaa xaqiijiyay in ay ku adkaatay xakameynta xashiish-ka maleeshiyaadka murtadiinta islamarkaana ay hadda qorshaynayaan sidii ay uheli lahaayeen qalab lagu baarayo jirka askarta si loo hubiyo in ay xasiish isticmaaleen iyo inkale.
Magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee murtadiintu maamulaan ayuu maandooriyahuhu halis ku hayaa bulshada gaar ahaan dhalinyarada sababa laxiriira maleeshiyaadka oo bulshada ku dhax faafinaya daroogada iyo dhammaan munkarka ay diinta islaamka reebtay