Tobanaan Ruux oo Tahriibayaal ah Oo Lagu Weysanyahay Xeebaha Dalka Yeman.

Jul 27, 2024

Dooni ay saarnaayeen ugu yaraan 45 qof oo qaxoonti ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dagtay xeebaha dalka Yemen, gaar ahaan gobolka Taciz, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay mid ka mid ah hayadaha uururka qaramada mudoobay u qaabilan qaxootiga.

Hay’adda urur gaaleedka qaramada midoobay u qaabilsan arimaha qaxootiga ee Yeman, ayaa intaa ku dartay in degitaanka doonida ay keentay dabeylo xooggan iyo culeys xad dhaaf ah, waxay intaas kusii dartay in doonida ay badbaadiyeen ugu yaraan 4 qof oo kaliya.

Bishii June ee ina dhaaftay ayay ahayd markii ugu yaraan 49 tahriibayaal ah ay dhinteen halka 140 kalena la waayay kaddib dooni ay la socdeen oo ka soo ambabaxay Soomaaliya ay kula dagtay xeebaha Yemen.

Sanad waliba waxaa malafyada tahriibayaasha caalamka bogaga hore kaga jira, boqolaal ruux oo iyaga aan gaarin yoolkooda oo ah iney qaarada Yurub ama Mareykanka ay helaan nolol dhaanta mida wadankooda waa sida ay aaminsanyihiine, la waayo raq ama ruux toona, kadib markii ay la dagto dooni ay saaranyihiin ama ay dilal arxan daran kala kulmaan kooxaha burcada ah ee uu dal waliba leeyahay.

FAAFREEB PRO