Xisbiga siyaasadda ee TPLF ayaa shir uu ka yeeshay khilaaf hoose ee ka dhex jiray gudihiisa kasoo saaray go’aamo dhabar-jab ku ah Abiy Axmed ra’iisul wasaaraha xabashida Itoobiya.
TPLF ayaa war-murtiyeed ay shirkan kasoo saartay ku iclaamisay hoggaan cusub oo uu majaraha u qaban doono Debretsion Gebremichael oo ahaa ninkii dagaalka adag lasoo galay nidaamka Abiy Axmed, iyadoo shirkaas lagu go’aamiyay in meesha laga saaro madaxweynaha kumeel gaarka ee ismaamulka Tigray Getachew Redda.
TPLF, waxay sidoo kale ku xigeenka Debretsion Gebremichael u doorteen , Amaniel Assefa, kaasi oo geli doono booska laga saaray madaxweynaha kumeel gaar-ka ah.
Xisbiga ayaa sidoo kale doortay shaqsiyaad kamid noqon doona golaha fulinta ururuka.
Redda oo ah ninka isaga iyo golihiisa meesha laga saaray ayaa horay u shaaciyay in uusan taageeri doonin wax walba oo kasoo baxay shirka u dhaxeeyay hoggaanka TPLF, wuxuuna ku sifeeyay shirkaasi mid sharci darro ah.
“Wax kasta oo kaso baxa shirka TPLF wuxuu noqon doonaa mid aan waxba ka jirin, Wixii dhibaato ka timaadana waxaa masuuliyaddeeda qaadi doona kooxda tiradda yar ee wadda.” waa nuqul kamid ah hadal horay uga soo yeeray ninkan.
Warbaahinta dalka Eritrea ayaa si aad ah u tabineysay talaabadan cusub iyo isbeddelka lagu sameeyay TPLF, meeshana looga saaray maamulkii uu soo dhistay Abiy Axmed, lamana oga sida uu noqon doono xaalka ismaamulka Tigray.
FAAFREEB PRO