Trump oo Daneynaya Heshiis uu la Galo Putin Hadii uu Guuleysto.

Aug 25, 2024

Saxiifada Foreign Affairs oo kasoo baxda dalka Mareykanka ayaa daabacday maqaal ay ku lafa gureyso Trump oo daneynayo heshiis uu la galo Ruushka, hadii uu ku guuleysto kursiga madaxtinimo ee wadankiisa, iyo saameynta ay Ukrain midaas ku reebi doontaa.

Waxaa qoraalka wargeyska lagu sheegay in Donald Trump uu xal u arko in Vladamir Putin uu la galo heshiis nabad galo siinaya Ukrain, taasoo dabcan ay ku lamaanaan doonaan shuruudo adag oo ay kamid tahay In Kiyev ay ka tanaazusho dhul baaxadiisu aysan yareen.

Waxaa arimahan ay saxiifadu si gaar ah kaga wareysatay 2 siyaasiyiin oo yurubiyaan ah kuwaasoo si aad ah ugu dhoon daloola arimaha ka dhax aloolsan Ukrain iyo Ruushka iyo dacminta xoogan ee ay wado xukuumada Wasiton.

Waxay sheegeen in Trump ka go’antahay inuu qaado talaabadaas hadii mar u uku fariisto kursiga aqalka cad, iyagoona yiri “Haddii Trump uu ku guuleysto doorashada madaxtinimo, wuxuu sida ugu dhaqsiyaha badan u raadin doonaa heshiis lala galo Ruushka, kasoo Ukrain ku qasbi doona iney hurto danaha amnigeeda iyo midnimadeeda dhuleed”.

Hogaamiyihii hore ee Mareykanka hadana ah musharaxa xisbiga Jamhuuriga ayaa aaminsan in dagaalka ka dhax holcaya Ukrain iyo Ruushku uu sii daba dheeraaday, fangareenta Mareykankana ay noqotay mid xad dhaaf ah, balse uu isaga kusoo gaba gabeyn doono muddo 24 saac ah gudeheeda.

Si kastaba ha ahaatee hadii 78 jirkan ameerikaan ah uu markale kusoo laabta aqalka cad, waxay dabcan dhabar jab xoogan ku noqon doontaa Kiyev oo naas nuujin xad dhaaf ah ka heli jirtay dhanka Joe Biden, isagoona u garba duubi jiray dowladaha kale ee reer yurub si ay u garab istaagaan ciidamada Ukrain.

FAAFREEB PRO