Trump ayaa sheegay inuu cilaaqaad wanaagsan la yeelanayo Kuuriyada Woqooyi isagoona ku tilmaamay hanti muhiim ah.
Sida uu nashriyey joornaalka The Hill ee kasoo baxa dalka Mareykanka madaxa xukuumada Washington ayaa sheegay in inta uu ku suganyahay kursiga aqalka cad uu xiriir wanaagsan oo ku dhisan dana dhowr ah ay yeena doonaan isaga iyo xukuumada uu majaraha u hayo Kim Jon Un.
Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay in Kuuriyada Woqooyi ay tahay hanti muhiim u ah Mareykanka, taasoo durbadiiba loo fasiray inuu ula jeedo danahayega ayaan ka dhax aragnaa sidaa darteed waa inaan soo dhaweysanaa, maadaama qorshaha Trump ee ugu horeeya mudda xileedkiisan uu yahay sidii uu dhaqaale fara badan usoo galin lahaa dhulka Mareykanka.
Trump ayaa muddo xileedkiisii hore waxa Kim la kulmay ilaa Laba mar iyagoona ku shiray dalalka Vietnam iyo Singapore, balse xiligaas madaxa aqalka cad ayaa ku guul dareystay inuu xiriir qoto dheer la yeesho dalka Kuuriyada Woqooyi, balse hadda ayuu markale u muuqdaa mid isku dayaya.
Su’aasha ayaasa ah Kuuriyada Woqooyi iyo Mareykanka malaga yaabaa inuu 4-tan sano ee soo aadan uu dhaxmaro xiriir danaha ugu badan u adeegaya Mareykanka, waasa laga dhirsugi doonaa.
FAAFREEB PRO