Sida uu saacadihii lasoo dhaafay ay nashrinayeen wargeysyada ugu waaweyn caalamka sida The Hill oo kale oo kasoo abxa dalka Mareykanka, Donald Trump ayaa casuumaad u fidiyey ninka lagu tilmaamo Hitleerka casirgan ee Binyamin Natanyaahu waliba maalmaha soo aadan.
Sida lagu waramayo Trump ayaa aqalka cad ee Mareykanka ku casuumay Netanyahu 4 bisha soo aadan ee February, taa oo ka dhigaysa hoggaamiyihii u horreyay ee aqalka cad uu ku qaabbilayo Trump waliba iyadoo ay wali muuqdnaa wixii dhibaatooyin ah ee uu ninkan mudooyinkii dambe uu ka geysanayey gudaha marinka Qaza.
Xilli Natanyaahu ay doondooneyso waxa loogu yeero maxkamada dambiyada caalamiga ah ee ICC ayuu dhanka kale Donald Trump hadda daneynayaa inuu sare u qaado cilaaqaadkiisa kala dhexeeya Binyamin Natanyaahu, taasoo muujineysa in waxba kama jiraan ay tahay waaranada kala duwan ee kasoo baxaya ICC ee lagu dalbanayo in lagu soo qabto Natanyaahu markba hadii casiimaad loogu fidinayo gudaha aqalka cad.
Waxay dabcan midaan kusoo beegantay ayaa la dhihi karaa xilli dhowr maalmood ka hor maamulka cusub ee Mareykanka uu shaaciyey inuu sahaayinada marnaba uusan ka jaran doonin dhaqaalihii uu siin jiray iyaga iyo Masar, halka taa badalkeed uu hakiyey dhamaan kharashkii uu siin jiray dowladaha kale ee dunida oo ay ugu horeyso Ukrain.
FAAFREEB PRO