Wargeyska laga leeyahay Yuhuudda ee The Jerusalem Post ayaa daabacay warbixin uu ku sheegay in Trump uu doonayo in muslimiinta reer Falastiin gaar ahaan shacabka Qaza in uu dejiyo dhulalka ay ka arimiyaan maamulada ashahaada la dirirada ah ee isku magacaabay Somaliland iyo Puntland waxaana sidoo kale qorshaha Trump kami ah in Filistiiniyiinta uu u barakiciyo dhanka dalka Morroco.
Wargeysku waxa uu sheegay in sababta maamulka Trump u doortay saddexdan maamul ay tahay in ay si aad ah ugu baahan yihiin gacan-qabashada iyo taageerada Mareykanka.
Trump oo dhawaan loo dhaariyey hoggaaminta Mareykanka ayaa Talaadadii sheegay in dhammaan dadka Qaza ku nool uu ka rarayo Marinka, taasoo kicisay caro xargaha goosatay oo ay baraha kala duwan ee Internet-ka ka dhigayaan shucuubta Islaamka.
Qorshihii hore ee Mareykanka ayaa ahaa in dadka Falastiin loo raro dhanka Urdun iyo Masar, laakiin taa ayaa u muuqata mid shaqayn waydey, isagoona hadda baadi goobaya maamulo u nugul oo kaliya daneynaya sandareertadiisa.
Xukuumada Washington ayaana hadda ah mid geed gaaban iyo mid dheerba u fuuleysa sidii loo barakicin lahaa shacabka reer Qaza ee ku suntan sabarka iyo sugnaanata, waxaana dirbadiiba qorshaha Trump dhanka kale kasoo horjeestay qaar kamid ah wadamada Yurub sida Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka iyo Australia.
FAAFREEB PRO