Trump oo Shardi ku Xiray ka Bixitaanka Ciidankiisa ku Sugan Suuriya.

Jan 30, 2025

Donald Trump ayaa shuruud ku xiray ka bixitaanka ciidanka Mareykanka ee Suuriya, sidoo kalana Laba farood u taagay hogaamiayha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Sida uu baahiyey wargeyska cibriga ah ee Macaariif madaxa xukuumada Washington shaaciyay in ciidamadiisa uu kala baxayo gudaha dalka Suuriya balse ay ku xirayaan hal shardi oo ah inuu Turkiga dib usoo celiyo xiriirkiisa diblomaasiyadeed iyo midkii ganacsi ee uu la lahaa maamulka gumeystaha yuhuuda.

Saadaashu waxay inta badan hadda sheegeysaa in Turkiga uu midan aqbali doono isagoo danihiisa gaarka ah ee Suuriya eegaya, xukuumada Ankara ayaana dooneysa iney noqoto awoodda kaliya ee ku sugan Suuriya, ka bixitaanka ciidanka Mareykanka ee Suuriya ayaana Turkiga suragal uga dhigaysa iney burburiyaan guud ahaan kooxaha kurdida ee uu Mareykanka Ilaaliyo.

Waxaa lagu waramayaa in boqolkiiba 80 ceelasha shidaalka Suuriya ay hadda gacanta ku haayaan maleeshiyaatka kurdida, hadii mar uu garabkooda ka boxo Mareykanka ayeyna ku qasbanaan doonaan iney is dhiibaan waana fursada uu doonayo Turkiga inuu helo in muddo ah.

Marka Trump ayaa hadda Erdogan siinaya kala doorasho ah ‘Qaado Suuriya oo ka tag Qasa, sababtoo ah soo celinta xiriirka yuhuuda ayaa ka dhigan inuu Erdogan ka tagayo Qasa, taasoo Erdogan kusoo jeedin doonta shacabka Tukriga, walow ay hadda xusid mudantahay in xukuumada Ankara ay tahay mid sahaayinada siisa kabaha iyo qudaarta ay cunaan ciidanka yuhuuda ee har iyo habeen xasuuqa kuwada shacabkeena reer Qaza.

FAAFREEB PRO