Waxaan markan soo qabanayaa majalada Newsweek, waxay daabacday maqaal la xiriira dowladda Turkiga oo codsatay iney ku biirto ururka ganacsiga ee loo soo gaabiyo BRICS, maxaasa ka jira in Ankara ay noqon doonto dowladii ugu horeysay ee qeyb ka noqota isbaheysiga oo xubin ka ah gaashaan buurta NATO.
Waxaa lagu sheegay warbixinta wareyska, in Turkigu uu markiisii ugu horeysay uu si cad u dirsaday cosdi ku aadan doonistiisa ah inuu qeyb ka noqdo BRICS oo ay ku mideysaniyihiin wamada Brazil, Russia, India, China, South Africa, Iran, Egypt, Ethiopia, Imaaraatka carabta iyo kuwa kale, waana sida uu warbaahinta la wadaagay afhayeenka xisbiga haya talada dalka Turkiga ninka lagu magacaabo Omer Celik.
Sida majaladu ay sheegeyso, Turkiga ayaa talaabadan ka damacsan arimo dhowr ah oo ay ugu horeyso inuu kaga maarmo khilaafdka isdaba jooga ah ee uu kala kulmayo suuqyada iyo ururda ganacsi ee reer yurub, isagoona ku hami weyn inuu halkaan ka dhax abuurto fursad kale oo dahabi ah, maadaama dowladaha ku bohoobay ururukan ay hogaanka u hayaan wadamo neceb Mareykanka iyo reer yurub.
Sidoo kale Turkiga ayaa lagu soo waramayaa in ku biirirtiisa ururkan ay u saamixi karto inuu noqdo dal labada dhinac ka ugaarsada waxa uu doono, kana qeyb gala shirarka reer galbeedka iyo kuwa aasiya.
Waxaa dhanka kale xusuusin mudan in 15 Julay ee sanadkan 2024, ay dalka Kazakhstan ku kulmeen hogaamiyaasha xukuumadaha Ankara iyo Moscow, xilli halkaas ay u wada joogeen ka qeyb galka Shirweynihi Iskaashiga ee Shanghai, waxayna labada dhinac xiligaas isku soo hadal qaadeen arimo la xiriira ururka BRICS, iyadoona Recep Tayyip Erdogan uu muujiyey daneyntiisa arinkaas ku aadan, waana markii ugu horeysay xilligaas oo ay labadan nin si toos ah ay uga wada noqaashaan talaabada.
Isbaheysiga BRICS ayaa hada u muuqda mid sii bulaalaya, waxaa sanadkan horaantiisa ku biiray dowlado badan oo ay kamid tahay Imaaraatka, waxaana lagu wadaa in sanadaha soo socda uu booska kala boxo midka G7 oo uu Mareykanku hogaamiyo.
FAAFREEB PRO