Dowladda Turkiga ayaa daneyneysa in Soomaaliya ay ka hesho saldhig Militari oo ay si joogta ah ugu sameyso tijaabooyinkeeda ku aadan gantaalada ridada dheer ee Baalisticga.
Sida ay daabacday majalada Bloomberg ee kasoo baxda dalka Mareykanka, Turkiga ayaa doonaya inuu Soomaaliya ka hirgeliyo saldhig uu ku sameynayo tijaabadda gantaalladiisa ballistic-ga ah , codsigan ayaana la sheegay in loo diray kooxda ridada Soomaaliya , sida ay ku warrantay saxiifada.
Turkiga wuxuu doorbidayaa dhulka bannaan ee cirifka badweynta Hindiya ee ku dhow dhul-baraha oo mara Soomaaliya , waa aag istiraatiji ah oo dal ay adagtahay inuu isku helo, balse isagoo ka faa’iideysanaya Turkiga iskaashigiisa isku-dhiibada ah ee Soomaaliya , wuxuu usoo rarayaa saldhig tijaabada gantaallada riddada dheer , sababtoo ah mar kasta oo tijaabada ay ka dhacdo meel ku dhow dhul-baraha waxay gacan ka geysan kartaa kor u qaadida baaxada iyo hufnaanta gantaalada hawada, waana sida ay tibaaxeyso warbixinta.
Xaggee ka maraa dhul-baraha Soomaaliya?
Dhulbaraha waa xariiq dhexmarta meere kasta taasi oo u qeybisa labo gobol koonfur iyo waqooyi Dhulbaraha, sidoo kale loo yaqaano xariiqda dhexe waxay meeraha dhulka ka dhex martaa qaarada Afrika, bartamaha Ameerika, iyo qeybo ka mid ah Aasiya, Soomaaliyana waxaa loo aqoonsanyahay inuu dhul-baraha maro deegaanka Baar Sanguuni oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose.
Warbixinta saxiifada Bloomberg waxaa lagu sheegay tijaabada gantaalada ballistic-ga ee Turkiga inaysan saameyn ku yeelan doonin deegaanka oo la diyaarin doono hannaan ka hortaga qashinka ka dhalanaya tijaabada.
Masaafada dheer ee ay isku jiraan Turkiga iyo Soomaaliya , si saldhig tijaabo gantaalada ah uu uga hirgeliyo Turkiga gudaha Soomaaliya waa inuu aaggaa saldhigga ka diyaariya deked iyo saldhig ilaalo oo ay waqti walba joogayaan tiro ciidanka Turkiga ah, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaana si joogta ah halkaa uga howlgalaya, si ay dhaqdhaqaaqa ula socdaan, waa u hanti muhiim ah Turkiga mashruuciisa gantaallada riddada dheer ee ballistic-ga waxa uuna si aad ah uga cabsi qabaa iney dhibaato kala kulmaan dowladaha ay colaaduhu kala dhexeeyaan, waana sida lagu xusay qoraalka wargeyska.
Dhanka kale waxaa lagu soo waramayaa in Turkigu saldhigan uusan ka rabin mid uu mudo kooban uu isticmaalayo kadibna uu isaga guurayo, balse waxa uu daneynayaa inuu ka dhigto saldhig mustaqbal oo u uku sugnaado muddo fog misana uu ku tijaabiyo dhamaan gantaalada iyo hubka uu soo saaro, taaso dhibaato ku ah bulshada Soomaaliyeed sida ay sheegayaan khubarada siyaasadeed.
Gobolka Jubbada hoose ayaa sida la sheegay hada sida la sheegay la filayaa inuu saldhigan ka dhisanayo Turkiga, hadii ay murtad Xasan Sheekh iyo Recep Tayyip Erdoğan qalinka kuwa duugaan heshiiskan halista ku ah shacabka wadanka muslimka ah ee Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale lagu soo waramaa in Turkiga kireysan doono dhulkan, laakin isagoo ka faa’iideysanaya heshiisyada difaac iyo iskaashiga ee uu kula jiro xukuumada ridada waxaa suragal hab aan kiro ahayn inuu saldhiggaa ku helo muddo kadibna dhulkaas uu xayuubsado waliba si bilaa shuruud ah.
Waxaa ugu dambeyntii warbixinta saxiifada lagu sheegay in Turkiga xitaa hadii ay isku fahmi waayaan kooxda ridada helida saldhigan, uu qaadi doono talaabooyin kale oo ay ka mid tahay manno sheegasho oo aysan kooxda ridada jirin meel ay uga baxsato, maadaama ay ciidamo u taba baraan Turkida ayna horay u siiyeen qalab malatari oo kala duwan.